Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh oo labo qodob kala hadlay danjiraha Ruushka (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Danjiraha Ruushka ee dalkeenna Mudane Mikhail Golovanov ayaa kala hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda Soomaaliya iyo iskaashiga horumarinta iyo arrimaha bini’aadanimada.

Danjire Mikhail Golovanov ayaa bogaadiyay horumarka dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka argagixisada, isagoo tilmaamay sida dowladda Ruushka ay mudnaan u siinayso taagerada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay in Khawaarijta Soomaaliya ay yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolka.

Xulafada bariga ee Ruushka iyo Shiinaha waxay sameeyeen dadaal , si ay u helaan iskaashiga Soomaaliya , balse taasi ma dhicin sababo la xiriira in Soomaaliya ay ku tiirsantahay iskaashiga iyo taageerrada reer galbeedka iyo xulafadooda Carabta, oo waxtar u ah dhaqaalaha iyo nidaamka dawladda.

Related posts

Mid ka mid ah jidadka burbursan ee Muqdisho oo dib u dhis lagu sameynayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Nabadoon caan ah oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Al Shabaab oo shaacisay in saakay dileen in ka badan 130 askari oo katirsan ATMIS (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---