Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo & Wafdi uu horkacayo oo goor dhow dalka ka ambabaxay

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda dalka koonfurta Suudaan.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa la sheegay iney magaalada Jubba ee caasimadda Koonfur Suudaan kaga qeyb galaya munasabad lagu dhameystirayo heshiisiinta dhinacyada isku hayay siyaasadda dalkaasi oo in muddo ah ay dagaalo ka socdeen.

Sidoo kale waxaa munaasabadaasi ka qeybgalaya hogaamiyaal ka socda Midowga Afrika,Urur Goboleedka IGAD iyo madax kale kuwaasoo si dhow ula socday xaalada ka taagnayd dalkaasi.

Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa ka mid ah wadamada uu xiriirka diblomaasiyadeed  kala dhexeeyo Soomaaliya, waxaana dalkaasi ku nool kumanaan Soomaali ah oo ganacsiyo waaweyn iyo shaqooyin kaleba dalkaasi ka qabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Isra’il oo shaacisay in ay dileen Hoggaamiyihii Weerarkii dadka badan looga laayay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo bilowday in ay qarxiso goobaha ganacsi ee fuliya ammarka dowladda

Cabdi Cade

Madaxweynaha Soomaaliya oo Meel mariyay go’aan kasoo baxay Golaha Wasiiradda (Wareegto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---