Allbanaadir.com
NEWS

Ayatollah Khamenei oo ansixinaya Madaxwerynaha KMG ee Iran iyo Muddada uu xilka…

Dalka Iran ayaa la filayaa in uu yeesho Madaxweyne KMG ah inta doorasho deg deg ah laga qabanayo, kaddib geeridii shalay ku timid Madaxweynihii dalkaasi Ibrahim Raisi oo ku geeriyooday shil diyaaradeed.

Hoggaamiyaha ugu sareeya dalka Iran Ayatollah Cali Khamenei, ayaa la filayaa in uu ogolaado uuna ansixiyo Madaxweynaha KMG ee dalka Iran oo la filayo in uu noqdo Madaxweyne kuxigeenkii dalkaasi Maxamed Mokhber .

Madaxweynaha KMG ee dalka Iran ayaana xilka heyn doono muddo ku eg labo bilood, waxaana la filayaa in 50-maalmood gudahood dalka Iran ka dhacdo doorashada Madaxweynaha cusub ee talada dalkaasi la wareegaya.

Baroordiiq ayaa la filayaa in looga dhawaaqo dalka Iran oo lagu xusayo Madaxweynihii dalkaasi ioyo masuuliyiinta kale ee la geeriyootay, waxaana maanta warbaahinta dunnida si weyn u hadal heysaa geerida Madaxweynihii Iran Raisi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Farmaajo oo ka qeyb galay Furitaanka Madasha Iskaashiga Afrika iyo …

Cabdi Cade

Somalia oo hirgalinaysa Nambarka mideysan ee aqoonsiga canshuuraha

Caydiid Ali

Nin dil u geestay Walaalkiis oo gacanta lagu soo dhigay iyo hadal heyn ka dhalatay dilkan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---