Allbanaadir.com
NEWS

Shir u dhaxeeya DF iyo dowlad goboleedyada dalka oo ka furmay Dhuusomareeb (Sawirro)

Wasiirka Amniga Soomaaliya  S/Guuto Cabdulaahi Sheelkh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta Magalada Dhuusamreeb ka daah-furay shirka wadatashiga hormarinta amniga ee Wasaaradaha Amniga iyo talisyada booliiska heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Shirkaan oo ay marti galisay markii ugu horaysay  Galmudug ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Amniga Soomaaluya ,taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed  ,Wasiiradda Aminga iyo taliyaasha booliiska dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan oo ah mid looga hadlayay istiraatijiyada amniga dalka iyo qorshaha wadajirka booliiska , waxaana gabogabada shirka la filayaa in wasiiradda iyo taliyaasha shiray ay soo saareen go’aanno.

Wasiirka Wasaaradda Amniga DFS mudane Cabdulahi Shiiq Ismaciil (Farataag) ayaa ka warbixiyay ujeedada shirkan iyo muhiimadiisa, waxa uuna xusay in shirka lagu falanqeyn doono xaalada amni ee dalka iyo sidii qorshe amni loo dejin lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Max’uud Cali Yusuf oo loo doortay Gudoomiyaha Midowga Afrika

Caydiid Ali

Ciidamo katirsan maamulka Puntland oo qarax lagu dilay

Cabdi Cade

Gudoomiye Filish oo xariga ka jaray Suuqa casriga ah ee HAYAT Market (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---