Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka NISA oo howlgal ku soo qabtay rag looga shakisan yahay Al-Shabaab (Sawirro)

Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee ku sugan degmada Baladxaawo oo ka duulaya xog ay ka helaan bulshada deegaanada hoos yimaada degmadaas ayaa hawalgal saf ballaaran ah ka sameeyay degaano dhawr ah.

Waxaa ka mid ah Dambala, Madax-badaal, Qooxle, Dabeylweyne, Qabri sheekh, iyo tuulooyiin kale oo hoosyimada degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Ciidanka oo bartilmaameedsanayay goobo gaar ah ayaa gacanta ku soo dhigay rag looga shakisan yahay la shaqeynta ururka  al shabaab iyagoo bulshada degaandaasi ku amaanay la shaqeynta ciidamada ammaanka.

Saraakiisha ciidamada ayaa bulshada deegaanadaasi ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan amniga, xasiloonida iyo wada noolaanshaha kana dheeradaan wax kasta oo liddi ku ah amniga.

Related posts

Burcad hubeesan iyo telfoono ay dhaceen oo gacanta lagu dhigay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dad loo soo qabtay dilka Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Cilmi iyo Baaritaano socda

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Guusha Xulka kubada cagta Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---