Somaliland ayaa maanta u dabbaaldegaysa sannadguurada 33-aad ee kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga, waxaana meelo badan oo gudaha Somaliland iyo dalalka debedda ahba ka dhacaya xaflado arrintaas ku saabsan.
Munaasabadda ugu weyn ayaa ka dhacday fagaaraha loogu talo galay xuskan oo ah goob u dhow Xarunta Madaxtooyada Somaliland, waxaana ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada, Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani
Madax uu ka mid yahay Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta khudbad ka jeediyay, xafladda xuska 18 May.
Sidoo kale, waxa dabbaal degan ka soo qayb galay Wakiillada Dalalka shisheeye ee fadhigodu yahay Somaliland iyo Wufuud ka timid dalalka dibadda qaarkood oo lagu marti qaaday.
Fagaarahan wax kale oo dhoola tus iyo gaardis ku soo bandhigay ciidamada kala duwan ee Somaliland oo ku gaashaaman hub & Gaadiidka Dagaalka iyo qaybaha kala duwan bulshada ayaa iyaguna halkaas socod ku maray.
HOOS KA DAAWO SAWIRRO