Allbanaadir.com
NEWS

Shir u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo ka furmaya Dhuusomareeb(Sawirro)

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska iyo Wasiirrada Amniga ee dowlad goboleedyada, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa u tagey Dhuusamareeb shirka sanadlaha ah ee wadatashiga horumarka amniga, kaas oo ay ka qeyb galayaan wasaaradaha Amniga iyo Talisyada Booliska dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

Shirka oo furmaya maalinta berri ah, ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa, isla markaana looga wadatashanayaa arrimaha hortebinta u leh horumarka amniga, xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha, iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulan horudhac ah la qaatay Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid.

Related posts

Fahad Yasin: “Ansixinta Wax ka bedelka dastuurka waa shirqoolkii ugu halista badnaa”

Caydiid Ali

Booliiska Puntland oo gacanta ku dhigay koox dhacday gaari uu lahaa Wasiir

Cabdi Cade

Muxuu Xamse Barre kaga hadlay khudbada uu ka jeediyey Shirka Sharm El Sheikh? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---