Xukun lagu riday nin Sabab layaab leh Muqdisho ugu dilay nin Shacab ahaa

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku riday Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka 3-aad ee Abuu-dujaana  ee ciidanka xoogga dalka.

Askarigan ayaa lagu helay in uu dil bareer ah u geystay marxuum Sacad Cabdi Muuse, waxaa sidoo kale loo heestay inuu baxsad ka ahaa goobtiisa shaqo oo ah deegaanka Shabeeloow gobolka Galgaduud, lunsasho hanti dowladeed, qalgal gelin goob ganacsi, xatooyo xoolo ciidan iyo jabin xeerka xakameynta hubka caasimadda.

Seddexdii bisha April ee Sanadkaan 2024 kaliya muran dhinaca kala horreynta timo jare ayaa keenay in eedeysane Daa’uud Bashiir uu madaxa xabbad kaga dhufto marxuum Sacad Cabdi Muuse, falkaan ayaana ka dhacay degmadda Dharkenleey ee gobolka Banaadir.

Todobada bishan May ee sanadkaan 2024 maxkamdda darajada koowaad ee ciidamda qalabka sida oo dhageysatay kiiskaan waqti ku filanna siisay dhinacyada dacwada ayaa ugu danbeyn maanta oo ay taariiikhdu tahay 18ka bisha May ee 2024 Ku xukuntay Dable Daa’uud Bashiir Coloow Dil toogasho oo ah qisaastii marxuum Sacad Cabdi Muuse.

- Advertisement -