Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo ka hadlay sida Puntland u aragto qodobadii kasoo baxay Shirka Golaha Wadatashiga

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi ayaa maanta ka hadlay war-murtiyeedkii shalay kasoo baxay shirka golaha wadatashiga ee lagu soo gebogabeeyey Mlmagaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyey shirka jiheynta xukuumadda Puntland 2024-2029 oo maanta furay ayaa sheegay wax kasta oo ka soo baxa shirka golaha wadatashiga in aysan quseyn Puntland.

“Golaha wadatashiga wax kasta oo ay soo-saaraan nama quseeyaan haddaan Puntland nahay, midnimona ma jirto ee waxa socda waa kala go’ laga shaqaynayo” ayuu yri madaxweyne Deni.

Maamulka Puntland ayaan ka qeyb gelin shirarkii ugu dambeeyay ee golaha Wadatashiga Qaran, waxa ayna Puntland horey u shaacisay in ay xiriirka wadashaqeynta u jireen dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo.

Related posts

Daawo Sawirada: Dawladda Soomaaliya oo Hal Milyan oo Doolar ugu Deeqday Somaliland si loogu caawiyo dadkii …

Cabdi Cade

Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo u jawaabay Deni (Daawo)

Caydiid Ali

Ciidanka DF oo Howlgal ku qaarajiyey Sarkaal Shabaab ah oo horey dil loogu xukumay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---