Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u dambeeyey shirka Villa Somalia uga socda Madaxda Golaha wadatashiga

Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada, iyo Gobolka Banaadir ayaa Gelinka dambe ee maanta guda galay qodobada la xiriira arrimaha doorashooyinka oo si weyn isha loogu hayo natiijadiisa.

Warar aan ka helay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in shirka u socda Madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud iyo afarta maamul goboleed uu ku dhaw yahay is afgarad iyo in laga soo saaro warmurtiyeed loo dhan yahay.

Wararka aan sheegaya in dhinacyadu ay isla garteen in bisha April ee sanadda 2025 doorashada madaxda maamul goboleedyadu qabsoonto taasoo ka dhigan muddo kordhin cusub oo loo sameeyey.

In doorashada golayaasha deegaanku dhacdo inta ka horaysa bisha April ee sanadka soo socda, iyadoo la filayo in shirku ilaa barri soo dhamaado, maadaama uu madaxwayne Xassan Shiikh ku sii jeedo dalka Kenya.

Related posts

Ciidamada Mareykanka oo Soomaaliya ka fuliyey duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab

Caydiid Ali

Booliska Muqdisho oo soo qabtay sadex askari oo ku eedeysan..

Caydiid Ali

Kalluun aad loo jecel yahay oo digniin culus laga soo saaray isticmaalkiisa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---