Allbanaadir.com
NEWS

Fadeexad ka jirta garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa maalin kasta kasoo dega kana dhoofa boqolaal dad ah, kuwaa oo u kala goosha dalalka caalamka iyo sidoo kale gobolada dalka qaarkood.

Waxaa hadda soo baxaya fadeexado ka jira adeegga dadweynaha ee ka jira gudaha garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan musqulaha garoonka ee loogu tala galay in dadka diyaaradaha sugaya iyo kuwa baxayaba ay isticmaalaan.

Sargaal katirsan shirkadda Hormuud Telcom ayaa maanta soo bandhigay sida ay u liitaan adeegga musqulaha, kuwaa oo muuqda kuwa jajaban sidoo kale aan laheyn biyaha markii la isticmaalo la raacin lahaa musqulaha, iyo sidoo kale warqadaha tiishka loo yaqaan .

”Musqulaha Garoonka Aaden Abdulle International Airport, sidaan haloo dhaamo, marar badan Ayaan arkay iyagoo xitaa sidaan kasii liito, Markii aad ku fadhiisato waa kula liqliqanayaa oo Waxaad ka baqeeysaa ineey kula dhacdo, Qalabka waa duugoobay, Warqadi Musqusha malahan, mararka qaar Waxaad arkeeysaa biyaha oo go,an, warqadna ama Toilet Tissue aanay oolin !! Sida aan ognahay waxaa Maamula Shirkad Private ah” ayuu yiri Cabdullaahi Nuur Cusmaan oo katirsan hirakadda Hormuud.

Maamulak garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Wasaaradda Gaadiidka ayaa maalin kasta ka fekera sidii lacag dheeri ah looga qaadi lahaa shirkadaha diyaaradaha iyo rakaabka, iyaga oo ka jiiftay hagaajinta musqulaha iyo waxyaabaha kale ee adeegga dadweynaha ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Liiska 12 Musharax oo isku soo taagay doorasho beri ka dhaceysa Garowe

Caydiid Ali

Booliska Mareykanka oo soo qabtay ninkii dilay Imaam Shiikh Mohamed Hassan Aadan

Caydiid Ali

Mucaaradka dowladda oo taageeray liiska xildhibaanada Jubaland & Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Waddani oo weeraray …

admin
Taboola Ads ---