Saraakiil iyo dabley ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay ka dhacday degaanka Ceel-dheer oo illaa 60-km galbeed kaga toosan Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan sida ay shaacisay warbaahinta dowlada.
Wakaalada Wararka wararka u faafisa dowlada ee SONNA oo soo xiganeysa goob joogayaal ayaa sheegtay in Al-shabaab ay shacabka u diideen inay u soo dhowaadaan goobta la duqeeyay.
Lama cadeynin cida duqeyntaasi geysatay, balse balse Wakaalada ayaa sheegtay in dalalka Soomaaliya ka caawiya dagaalka Al-shabaab ay ka war heleen shirar Al-shabaab uga socday degaanka Ceel-dheer, kadibna la duqeeyay goobtii uu shirku ka socday.
Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in degaanka Ceel-dheer ee gobolka Hiiraan ay Al-shabaab ku uruuriyaan xoolaha ay dadka zako ahaanta uga qaadaan.
Al-shabaab kama hadlin duqeyntan illaa hadda mana jiraan warar madax banaan oo ka waramaya duqeyntan iyo khasaaraha ka dhashay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com