Allbanaadir.com
NEWS

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Geelle & Gudoomiye Adan Madoobe (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ugu horeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ku soo dhoweeyay Aqalka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti, isagoo uga mahadceliyay booqashada rasmiga ah ee uu ku yimid Jabuuti, waxaana uu Madaxweyne Geelle bogaadiyay guulaha waaweyn ee uu Baarlamaanka Soomaaliya ku talaabsaday labadii sano ee lasoo dhaafay, isagoo xusay in shuruuc muhiim u ah geedi socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya uu ansixiyay Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo u mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa tilmaamay in dowlada iyo shacabka Jabuuti ay kaalin walaalnimo kasoo qaateen dib u dhiska Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo sheegay in dowlada Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaartay dib u xoreynta dalka iyo dhismaha hay’adaha kala duwan ee dalka.

Related posts

Turkiga oo diyaaradihiisa aan duuliyaha lahayn ku dhex samayn doona dal dagaal ka socdo

Cabdi Cade

Xogta dadka Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalka Tanzania oo la aruurinayo

Cabdi Cade

Madaxweyne dal Carbeed oo shuruud ku xiray inuu la kulmo dhigiisa Erdogan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---