Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa shaaciyay in dowladdo ka tirsan caalamka loo ogolaaday inay Qunsuliyado ka furtaan magaalooyinka Kismaayo iyo Hargeysa.
Cawad ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka ogolaadeen dalab ay u soo gudbisay dowladda Soomaaliya kaasoo ay ku dooneyso inay Qunsuliyado uga furato Kismaayo iyo Hargeysa.
Wuxuu wasiirku ku dooday inay dalalka dibadda ku marti qaadayaan inay Qunsuliyado ka furtaan magaalooyinka dalka, ayna tahay arrin wanaagsan.
Wasiirka ayaa dhinaca kale meesha ka saaray in dowlada Somalia ay Somaliand ka joojisay gargaarkii beesha caalamku ugu talogashay, isagoo xusay inaysan arrintaasi waxba ka jirin.
“Somaliland waxaa ku nool dad Soomaaliyeed, oo naga mudan taageero iyo gacan qabasho, mana jirto sabab aanu u dhibaateyno” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Somalia oo hadaladn ka jeediyey fadhigii shalay ee golaha shacabka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com