Allbanaadir.com
NEWS

Yuusuf Dabageed oo guddoomiyay kulan Xasaasi ah oo ka dhacay Baladweyn (Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka  Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne.

Kulankan waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Dowladdaha Hoose ee Hirshabelle, Guddoomiyaha gobalka Hiiraan, saaraakiisha booliiska, nabad-sugida iyo kuwa midowga Afrika ee ATMIS.

Waxaa diirrada la saaray kulanka intii uu socday sidii wadajir loogu xaqiijin lahaa ammaanka magaalada iyadoo masuuliyiinta ay mowqif adag ka istaageen dhowrista muwaadiniinta.

“Waa masuuliyad na saaran sugida amniga, kulankan waxa uu ahaa dhammaan dhinacyada howshaas ay ka dhaxeyso mid ay u wada dhan yihiin.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska Yuusuf Dabageed.

Ugu dambeyn ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle ayaa faray masuuliyiinta iyo saraakiisha in la fuliyo dhammaan qoddobadii lagu gaaray shirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo joojisay kulan ka dhan ah Imaaraadka oo ka dhici lahaa Garowe

Caydiid Ali

Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo rasaas dhaceysa

Cabdi Cade

Israel oo duqeysay iskuul ay leedahay Q/Midoobay & gaadiid ambalaas ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---