Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu yahay shirka uu Wasiir Fiqi kaga qeyb galayo dalka Baxreyn? (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed ayaa maanta kaga qeybgalay Magaalada Manama ee Caasimadda Boqortooyada Baxreyn, Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Golaha Jaamacadda Carabta oo gogol-xaar u ah Shir madaxeedka Carbeed, meertadiisa caadiga ah ee 33aad.

Wasiir Fiqi ayaa inta uu kulanka socdo la kulmi doona tiro ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda wadamada Carbeed ee walaalaha ah, iyadoo la filayo in shirku ka soo baxo go’aanno lagu taageerayo Soomaaliya.

Inyar kahor inta aanu shirku furmin, waxaa qabsoomay kulamo is-xigay oo Guddiyo heer Wasiir ah ay ku fallanqeeyeen dhowr arrimood.

Waxaa kulanka heer Wasiir ee Carbeed uu qaadaa-dhigayaa dhowr qodobo oo la doonayo inay ka mid noqdaan ajandayaasha go’aannada ka soo bixi doona Shir madaxeedka Carbeed.

Related posts

Codbixin Muhimad weyn u leh mustaqbalka Madaxweyne Erdogan oo Istanbul ka dhacday

Caydiid Ali

Soomaaliya oo shir guddoominaysa shirka 75-aad ee golaha guud ee QM (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirro Muqdisho kula kulmay Hoggaamiyaha maamulka Awdal State (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---