Allbanaadir.com
NEWS

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmaya Muqdisho iyo Puntland oo…

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kaa ay isugu imaanayaan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Shirka maanta ka furmaya magaalada Muqdisho waxaa wali ka maqan maamulka Puntland oo horey u shaaciyay in xiriirka u jareen dowladda Federaalka, waxaana shirka ka qeybgalaya afarta maamul goboleed kale ee dalka ka jira.

Sida aan xogaha ku heleyno shirka maanta furmaya ayaa madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada uga wada hadli doonaan arrimo muhiim ah ay kamid tahay in muddo kordhin loo sameeyo mar kale maamul goboleedyada ama in ay doorasho aadaan.

Madaxda maamul goboleedyada qaarkood ayaa la sheegay in ay rabaan in muddo kordhin labo sanno ah loo sameeyo, ama taa badalkeeda loo ogolaado in ay qabsadaan doorasho ay u madax- bannaan yihiin oo iyagu maamulayaan, si mar kale loogu soo doorto.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaana la sheegay in ay heesato culees iyo labo daran mid dooro, mid waa in uu dowlad gonboleedyada ugu daro labo sanno ama doorasho ay mar kale kuoo baxayaan u fasaxo.

Shirkan maanta furmaya ayaana kusoo aadaya xilli xasaasi ah, waxaana gabagabda shirka la filayaa in ay kasoo baxaan go’aanno lagu ogaan doono in maamul goboleedyada ka dhacayaan doorasho iyo in muddo kordhin loo sameyn doono mar kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Federaalka oo gargaar u fidinaysa dhaawacyada culus ee qaraxyadii Baydhabo

admin

Xusuusta dagaalkii 4 biloodka ee Muqdisho ka qarxay maanta oo kale 17-kii Nov. 1992 (Sawirro)

Caydiid Ali

Doorashada Afar kursi oo katirsan golaha Shacabka oo beri la dooran lahaa oo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---