Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Puntland oo Boosaaso ku qabtay nin gaari ku watay bambooyin (Sawirro)

Cutubyada sida gaar ka ah u Tababaran ee Ciidamada PMPF oo hawlgallo ka sameeyey magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay nin ku hubaysan Walxaha Qarxa, kaasoo ka tirsan kooxaha Al shabaab ama Daacish

Hawlgalladan qorshaysan oo ciidanku si joogta ah u fuliyo markasta waxa ay ku qabteen Bambooyinka Gacanta ee sababa Qaraxyada xooggan iyo gaadiidkii lagu wadey ninkii watey hubkaasi.

“Waxaa ujeedku ahaa inay ku waxyeeleeyaan shacabka magaalada Boosaaso. Ciidamada PMPF marna cadawga uma ogolaanayaan inay shacabkooda waxyeelo u gaystaan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidanka.

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo taageero nooc kasta u muujiyey Ra’isul-Wasaaraha Ethiopia

Cabdi Cade

Madax hore iyo Siyaasiyiin Caan ah kahor yimid muddo kororsi iyo Rabitaanka Xasan Sheekh (Akhriso)

Cabdi Cade

Qarax khasaare u geystay shacab oo ka dhacay duleedka degmada Afgooye

Caydiid Ali
Taboola Ads ---