Allbanaadir.com
NEWS

Qaraxyo lagu weeraray guryo masuuliyiin degan yihiin oo ka dhacay magaalada Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in xalay halkaasi ka dhaceen labo qarax bambaano oo lagu weeraray guryo kuyaalla magaaladaasi.

Qaraxa koobaad ayaa la sheegay in lagu tuuray guri uu magaalada Baydhabo ka degan yahay sargaal lagu magacaabo Kuurow Amxaar oo katirsan saraakiisha ciidanka maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada ilaalada guriga sargaalkan ayaana la sheegay in qaraxa kaddib ay rasaas fureen, waxaana halka qaraxa iyo rasaastaba ka dhaceen dadkii ka ag-dhawaa dareemeen khal khal iyo cabsi badan.

Qarax kale oo bambaano ayaa sidoo kale isla xalay lagu weeraray guri uu magaalada Baydhabo ka degan yahay wasiirkii hore Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur oo hadda ah agaasimaha hay’adda Tubsan ee Koonfur Galbeed.

Laamaha ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ma shaacin khasaaraha ka dhashay qaraxyadan bambaano ee xalay ka dhacay magaalada Baydhabo, waxaana socda howlgalo ay wadaan ciidamada ammaanka ee lagu raadinayo kooxihii weerarka ka dambeeyay.

Ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ahaa mid soo hagaagayay , waxaana magaalada ku yaraaday qaraxyadii iyo dilalkii ay geesan jireen kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Farmaajo oo xilkii ka qaaday Maxamed Axmed Jimcaale, Mid cusubna ku bedelay

Caydiid Ali

Madaxweynaha Galmudug oo si kulul uga hadlay qaraxii maanta ka dhacay Gaalkacyo (Akhriso)

Caydiid Ali

Howlgalka ATMIS oo War cusub ka soo saaray sababaha loo xiray xerada Xalane

Caydiid Ali
Taboola Ads ---