Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay Fadhiga 33-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta oo sanadkaan lagu qabtay Magaalada Manama ee xarunta boqortooyada Bahrain.
Shirkaan oo ah kii sanadlaha ahaa ee Madaxda Carabta ayaa qeybtiisa heerka Wasiir-Maaliyadeed waxaa looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iskaashi ee dhaqaalaha Dalalka Carabta, in wadajir looga shaqeeyo horumarinta xasiloon ee dhaqaalaha iyo in la abuuro fursadaha sare loogu qaadayo maalaglinta.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Biixi Cige ayaa sheegay in sidoo kale shirka looga dooday arrimo muhiim u ah oo ay ka mid tahay horumarta dhaqaalaha Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa sanadihii lasoo dhaafay ku jirtay soo kabasho dhinaca dhaqaalaha ah, kaddib markii dalal badan ay ka cafiyeen daymihii lagu lahaa, waxaana hadda kordhay dakhliga dowladda kasoo xarooda canshuuraha ay qaado.