Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo ku fashilantay dhismaha Hogaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha 

Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha dowlada Soomaaliya ayaa ku fashilantay in la dhiso Hogaanka rugta ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya kadib markii lakala diray hogaankii hore ee rugtaasi.

Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaan wax hogaan ah laheyn tan iyo waxii ka dambeeyay bishii agoust ee sanadkii hore, waxaana marar badan fashilmay isku dayo lagu doonayay in lagu dhiso hogaanka Rugta Ganacsiga.

Magaca Hogaanka rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya waxaa wali ku shaqeesta Hogaankii hore ee xilka laga qaaday, waxaana arintaasi si weyn uga soo horjeeda qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa ku fashilantay isku dayo ay ku dooneysay in ay ku heshiisiiso labada garab ay u kala jabeen ganacsatada si ay u qeyb sadaan Hogaanka rugta ganacsiga.

Ra’isul Waxsaaraha Xukuumada Soomaaliya oo sidoo kale kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ka codsaday in ay heshiiyaan ayna dhaxdooda sameestaan hogaanka rugta ganacsiga, hadii ay ku guul dareestaana dowlada go’aan kale qaadan doonto.

Wasaarada Ganacsiga Xukuumada Soomaaliya ayaa waxqabadkedii ugu muhiimsanaa sanadkii hore aheyd kala darista rugta ganacsiga iyo Warshadaha, hasa ahaatee waxa ay Wasaarada ku fashilantay hogaankii ay kala dirtay in mid kale ku bedesho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

QM oo warbixin ka soo saartay arrin cusub oo kooxda Daacish laga ogaaday

Caydiid Ali

Yey ka amar qaataan Ciidamada Imaaraatka Tababareen ee ku sugan Muqdisho ?

Cabdi Cade

Dahab laga dhaxlay boqor caan ah oo qaab xirfadeysan looga xaday Madxaf (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---