Degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa wajahaysa xaalada adag oo hubanti la’aan ah kadib markii ay karkaarada soo jabsadeen Webiyada Jubba iyo Daawo oo ku fatahay qaar kamid ah xaafadaha degmadaasi
Wabiyada ayay muuqaataa in a biyahoodu soo siyaasadayaan saacadii la soo dhaafey, bulshada ku nool xaafadaha fatahaadda ay saameysay ayaa u barakacaya meelo kala duwan oo magaalada ka mid ah.
Biyaha ayaa go’doomiyey qaar ka mid ah xaafadaha degmada Doolow, waxayna khasaare i geysteen guryo badan
Horey ayaa digniino looga soo saarey in Gobolka Gedo ay ka dhici karaan fatahaado iyo daadad ka dhasha roobka Gu’ga isla markaana waxyeeleyn kara bulshada degmadaasi ku dhaqan.