Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal u diray dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan maalinta Jamhuuriyadda dalka Turkiga waxa uu u diray dhiggiisa dalkaas Mudane Rajab Dayib Ordogaan.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga ee aan walaalaha nahay horumarka ay ku tallaabsadeen tan iyo sannadkii 1923-dii markaas oo dhidibbada loo taagay Jamhuuriyadda Turkiya.

“Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca Shacabka iyo Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxaa farxad ii ah inaan idiinku hambalyeeyo adiga, shacabka iyo Dowladda Turkiga munaasabadda Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga ee 29 ka Oktoober.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda uu leeyahay xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal, isagoona uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen walalaahooda shacabka Soomaaliyeed.

“Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu gaaray heer aad u sarreeya oo ku dhisan is-aaminid, is-ixtiraamid iyo dhaqan qoto dheer oo saxiibtinimo oo ay leeyihiin labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan, shacabkiisa iyo Madaxda dalkaas caafimaad, farxad joogta ah iyo horumar waara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Waxgarad kasoo jeeda Murusade oo ka qeylo dhaamiyay Dhul boob lagu hayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo ka hadashay Geeridii ku timid Dr Saalax Cabdalla Cumar

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Magacaabay guddi todoba xubnood ka kooban (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---