Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse iyo Madaxweynaha Kenya oo arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka kenya, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya, ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Labada dal, ee dhinacayadda ganacsiga ,amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah iyo xasilloonida guud ee Gobolka.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa bogaadiyay hormarada Soomaaliya ka gaartay dhinacyo badan ay kamid tahay la dagaalka Al Shabaab, waxa uuna ballanqaaday in dowladiisa Soomaaliya ka taageereyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo dhinacyo kale.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaana maalmo kahor magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiisyo kala duwan, waxaana hadda sii xoogeesanaya xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Maraykanka oo cuno-qabateyn cusub ku soo rogtay Ruushka (Sababta)

Caydiid Ali

Xildhibaanada BF oo xaflad mahad celin ah loogu sameeyey Tiyaatarka Qaranka (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Farmaajo oo xariga ka jaray Garoonka K/Cagta Muqdisho Istadium

Caydiid Ali
Taboola Ads ---