Soomaaliya waxey ka soo kabatay burbur dumiyey dhamaan kaabeyaashii dowladda oo ay sababteeda la haayeen xukun kelitalisnimo mileteri, dagaalo sokeeye, iyo xukun wadaad oo ku dhisan xagjirnimo argagixiso, waxaana Ilaahey mahadiisa ah iyo dadaalka madaxda Soomaaliyeed oo dalkooda soo hogaamiyey iney ka keeneen dalka meel aad u fog oo dhismaha dowladda ay ka soo bilaabeen meel ebera, waxaana dalka xiliyadaas madow aafeeyey dhaqaalexumo dadka u xalaaleeysay wax kasta oo ay ku noolaan karaan, waxeyna dowladnimadii dib u curinteedii ay la bilaabatay mushaarxumo ay ku shaqeynayeen shaqaalaha dowladda, waxeyna taas sabab u noqotay in dhamaan xaafiisyada dowladda uu musuqmaasuqu saameyn baaxad leh uu ku yeeshay.
Waxaa aad ugu adag in madaxweyne Soomaaliyeed uu tilaabo guul leh uu ka gaaro la dagaalanka musuqa dowladda, inkasta oo uu isku dayo dadaalo looga hortegayo ama looga daba tegayo musuqa muuqda oo naafeeyey dakhliga soo gala dowladda, waxeyna tahay sababta ugu weyn oo aan waxba looga qaban karin la dagaalanka musuqa dowladda iney mida ugu weyn tahay iney ka mudnaan weyn yihiin dagaalka loogula jiro argagixisada oo dib loogu soo celinayo amniga dalka iyo dadaalada lagu bixinayo ka hortaga faragelinta shisheeyaha oo ka shaqeynaya burburka dowladnimada, midnimada dadka, iyo wadajirka dalka, waxeyna taas ay xaalufisay hantidii yareyd ee gabaabsiga ahayd oo dalka dakhli ahaan uga soo galeysey canshuurta dadweynaha iyo weliba iyadoo tabar dhigid ku sameysay awoodii kartida iyo dadaalada madaxda dalka hogaamineysa.
Hogaamiye kasta oo dalka hogaankiisa qabta waxaa ku adkaaneysa inuu dhamaan shaqaalaha dowladda wada ruqseeyo oo uu meel ebera ka soo bilaabo shaqaaleyn cusub oo u tabaran maamul wanaaga dowladda, waxaana kaloo taas sii adkeynaysa marka musuqa ugu balaaran ay ku lug leeyihiin saaxiibada ugu dhow madaxweynaha oo ah tiirarka uu ku taagan yahay, taas oo keenta in marar badan falalka ay geysteen dadkaas eedooda dusha laga saaro madaxweynaha, isaga oo lagu eedeynayo inuusan xakameyn karin dadka ka ag dhow ceebaha ay u soo jiidayaan hogaankiisa iyo sumcadxumada ay ku hayaan maamulka dowladda amaba ka sii darane lagu xamanayo inuusan wax wara u hayn tacadiyada ay kula ka cayaan madaxda ka ag dhow dadka rayidka ah iyo qoysaska tabaaleysan oo ay ka soo jeedaan ciidamada u halgamaya difaaca dalka.
Waxaase fiiro gaara mudan in dib loo jaleecdo baaxada weyn ee uu lahaa dhaqaalaha madaxdii hore ee dowladda ay ku bixinayeen laaluushida qeybaha kala duwan ee dadweynaha oo loo adeegsanayey borobagaandada lagu xayeysiinayey sare u qaadida magacyada shaqsiyadahooda, kuwaas oo hantida dadweynaha u adeegsadey in laga amaano baraha bulshada, ama ra’yiga caalamka isaga sii jeediyey laaluushida dalaaliin shaqaale ka ah hayadaha caalamka, sida IMF, World Bank, iyo madaxdii Amisom, waxaana sidoo kale aan qarsooneyn iney u qornaayeen wadaado gaara oo ay siinayeen lacago si ay qudbadahooda ugu amaanaan, haddana ay qaladaadkooda ku difaacaan, waxaana sidoo kale cid walba u muuqatey dhaqaalaha lagu bixinayey dilalka qorsheysnaa ee loo geysanayey waxgaradka diidanaa hogaanxumada madaxda dowladdihii hore iyo weliba laaluushida madax dhaqameedyada iyo madaxda ururada bulshada oo dhamaantood lagu soo xerogeliyey laaluush siin, sidaas daradeed ayeysan u mudnayn in shacabka wanaagsan ay kuwaas dhageystaan eedahooda ay u soo jeedinayaan madaxda hadda hogaamineysa dalka.
Siyaasiyiin dalka horay u soo maamulay oo kala ah kuwo madaxweyneyaal dalka ka soo noqday iyo kuwo madax ka soo noqday maamul goboleedyada ayaa cadow dadkooda uga dhigaya dalkooda, iyagoo sabab uga dhigaya naceybka shaqsiyadeed oo ay uga soo horjeedaan madaxweynaha dalka, sidaasna ay cadaawad gudaha ugu abuurayaan jiritanka dalkooda, iyagoo iskaashi la sameynaya cadowga gudaha iyo shisheeyaha faragelinta ku haya arrimaha gudaha oo bartilmaameedkooda ugu weyn uu yahay tabar yareynta dowladda, iska horkeenida ummadda, iyo qeybinta wadajirka midnimada dhuleed ee dalka, madaxdaas horay hogaaminta dalka iyo maamul goboleedyada horay ugu soo fashilmay hogaamintooda ayaa danahooda ka doorbiday in dalka uu dib ugu noqdo burburkii uu ka soo kabsaday marka laga soo bilaabo 2000, waxeyna siyaasadoodu kala reebi weysey madaxweynaha haya xilka meertada ah iyo dalka jiritaankiisa oo jiilba jiilka ka dambeeya uu dhaxal ugu reebayo.
Ma jiro madaxweyne Soomaaliyeed oo aan lahayn qaladaad uu galay, waxaase muhiima in madaxda lagu qiimeeyo waxyaabaha uu ku soo kordhiyey nolosha dadka oo uu kor ugu soo qaaday dalka iyo tilaabooyinka uu qaaday oo dadka iyo dalka u horseeday horumar muuqda, waxaase qeymeyntaas lagu dheelitirayaa in tusaale iyo talo muuuqata ay ugu filan tahay iftiiminta shacabka lagu xasuusinayo in Soomaaliya ay ka soo kacday dhibaatooyin waaweyn oo ku soo dhacay dowladnimadeeda oo dib u soo kabashadeeda dhameystirana ay u baahan tahay shaqo adag oo ay dib u dhisideeda u galaan jiilal badan, sidaas daradeedna ay waajib ku tahay iney mar kasta xasuustaan in looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed iney garab istaagaan haba yaraatee horumarka ay sameynayaan madaxda dowladda hogaamineysa dalka.
Waxaa sidoo kale taxadar mudan ineysan shacabku ku mariin habaabin qaladaadka ka dhacaya dowladda oo ay shaqsiyaad kooban geysanayaan, taas oo ay mucaaradku buunbuuninayaan, waxaana sidoo kale looga digayaa shacabka wanaagsan ee horumarka dowladnimadooda jecel iney ka fogaadaan sharta la dhex dhigayo shacabka iyo dowladda oo curinta hindisaheeda ay iska leeyihiin shisheeyaha dhow iyo kuwa fog, kuwaas hagardaamadooda la dabajooga dadka, dalka, iyo dowladda oo weliba qowsaarada ay ku shaqeystaan ay si xun u baadi goobayaan waxey xaaraan ku kasbadaan ama taas haddii ay waayaan ay ka xigaan dacaayadeynta madaxda dowladda ama burburinta dalka, waxaana tixgelin weyn mudan in la dareemo dadka kuwa ugu daran iney yihiin kuwii dowladihii hore ku haystey naasnuujinta xaaraanta ahayd, sidaasna looga baahan yahay shacabka iney kuwaas ka digtoonaadaan shartooda oo ay heegan u galaan difaacida sharafta madaxdooda, dalkooda, iyo dowladooda, meelena ay iska dhigaan dib u gocoshada waxyaabaha yar yar oo ay dadku dowladooda uga tirsanayaan iney ugu xadgudubtey xuquuqdooda, kuwaas oo shacabka u horseedaya iney mugdi ka geliyaan waxqabadka madaxda dowladda iyo dadaalada ay dalka ku hormarinayaan.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com