Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ganasade maanta lagu dilay Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa duhurnimadii maanta gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen ganacsade kamid ahaa saamileyda Shirkada Hilibka dhoofisa ee Sommeat.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dhalinyaro biskoolado ku hubeesan rasaas la dhaceen Ganacsade Nuur Kheyre Guutaale xili uu marayay meel ku dhaw laamiga Shirkadaha ee Suuqa Bakaaraha.

Ragii hubeesnaa ee dilay ganacsadaha ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo katirsan booliiska oo goobta dilku ka dhacay ka sameeyay baaritaano kooban.

Suuqa Bakaaraha ayaa kamid ah goobaha ugu badan ee ka dhacaan dilalka, waxaana suuqaasi uu noqday mid ay ku guul dareesteen ciidamada amaanka in ay amaankiisa xaqiijiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo tababar usoo xiray ciidamo cusub oo amnigiisa ilaalinaya (Sawirro)

Cabdi Cade

Gaas oo ka hadlay doorashadii gudoonka Baarlamanka & khilaafka Somalia & Imaaraadka

Caydiid Ali

Sacuudiga oo joojiyay in Viisaha Cumrada siiyo 14 dal oo Afrikan u badan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---