Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyay in uu Musuq Maasuq xoogan ku kacay

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu musuq maasuq xoogan ku kacay uuna faragalin qaawan ku hayo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Cabdalla Xuseen Cali ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku kacay musuq maasuq baahsan uuna dhaqaalo badan ku bixiyay qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

”Waxaan idiin sheegayaa Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa ka fog musuq maasuq horta maanta ha idinka harto, Hadaad maqli jirteen Madaxwayne Farmaajo mususuq-maasuq masameeyo, waxaan idiin xaqiijinayaa in Madaxwaynuhu lacagihii Qaranka uu u isticmaalay Musuq-maasuq dhanka Doorashooyinka Koofur Galbeed”.Ayuu yiri Xildhibaan Cabdalla Xuseen.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka Faro galinta Madaxweyne Farmaajo ku hayo doorashada Koonfur Galneed in ay ku keeni karto in xilkiisa dib u eegis lagu sameeyo kadibna uu xilkiisa ku waayo faro galintaasi

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay magaalada Baydhabo gaareen malaayiin Dollar oo dowladu ku taageereyso Musharaxiinta qaar, waxa uu sidoo kale dowladu ku eedeeyay in Baydhabo Musharixiin u geysay gaadiidka aan xabaduhu karin.

” Musharaxiinta qaar dowladu si gaar ah ayey u taageertay kuwana wey u diiday in xitaa tartamaan iyaga oo xaq u leh, dhaqaalihii dalkan loogu tala galay in lagu maamulo musharaxiin qaar ayaa kartoono loogu raray Baydhabo laga dejiyay, sidoo kale baabuurta aan xabaduhu karin ayaa laga dejiyay Baydhabo, lacagta laga bixiyay baabuurta aan xabaduhu karin iyo lacagta diyaaradaha geeyay waxaa ku baxday lacag lagu qiyaasay 2.8 Milyan oo Dollar, lacagaha kaashka ah ee Baydhabo la geeyay waxaa lagu qiyaasay dhowr iyo toban Milyan dollar ” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdalla.

Dowlada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in musharaxiin gaar ah la dooneyso qabashada xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxa ayna dowlada dadaal ku bixineysaa sidii meesha looga saari lahaa Madaxweyne Shariif Xasan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Lungu oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Somalia

Caydiid Ali

Siyaasi Caan ah oo shaaciyay in Ciidanka booliiska hayeen Xogta weerarkii xalay dhacay

Cabdi Cade

Howlgalada la dagaalanka Maandooriyaha oo si xowli ah uga socda Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---