Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

(Sawirro) RW Xamse oo ka qeyb galay kulan looga hadlayey wada-hadallada Nabadda ee..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qeyb ka ah kulan looga hadlayey wada-hadallada Nabadda ee South Sudan oo ka socda Madaxtooyada Dalka Kenya, taas oo uu garwadeyn ka yahay Madaxwaynaha Kenya Dr. William Samoei Ruto.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in hannaan nabadeed oo loo dhan yahay uu xal-waara u noqon karo xasilloonida Koonfurta Suudaan, taas oo haddii ay sii socoto saameyn ku yeelan karta nabadda guud ee dalalka geeska afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey dadaallada socda ee lagu soo afjaro colaadda Koonfurta Suudaan.

Wuxuu dhinacyada ugu baaqay inay ka shaqeeyaa xasilloonida dalka, wixii colaad ahna lagu dhammeeyo wada-hadal.

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo ka hadlay geerida ku timid Wasiir Khadiija Diiriye

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay arbacadii Muqdisho

Cabdi Cade

Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo la la’yahy kadib markii ay la degtay Doon ay la socdeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---