Allbanaadir.com
NEWS

Shir Amniga looga hadlayay oo ka dhacay Muqdisho iyo Taliye Firin oo amar siiyay Booliiska

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmed Firin, ayaa shir guddoominayay shirka amniga dalka gaar ahaan caasimadda, waxaana shirkan uu ka dhacay xarunta taliska ciidanka booliiska.

Shirkan ayaa intii uu socday waxaa lagu gor feeyay waxyaabihii ciidanka u qabsoomay isbuucaan, waxayaabihii qaldamay iyo sidii loo sixi lahaa qalaadka xlliyada qaar ka dhaca ciidanka ammaanka.

Taliyaha qeybta guud ee ciidanka booliiska gobolka Banaadir G/ Sare Macalin Mahdi ayaa ka warbixiyay Xaalada guud ee amniga caasimadda iyo nawaaxigeeda , waxa uuna xusay in ciidanka qabteen shaqooyin fiican kana hortageen dhagaraha cadawga maleegeen.

S/guuto Sulub Axmed Firin taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo shirka ka hadlay ayaa ka mahadceliyay shaqada wannaagsan ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed ka hayaan dalka, gaar ahaan caasimada Dalka ee Muqdisho.

Dhanka kale taliyaha ciidanka booliiska  S/Guuto Sulub axmed Firin ayaa amray dhammaan hoggaanada, fadhiyada Madaxa bannaan ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed in la dardar galiyo howlaha amni u gar gaarida dadka danta yar ka hortaga falalka lidka ku ah amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Daahir Ciid oo xariga ka jaray deked laga hirgeliyey xeebta Hobyo (Sawirro)

Caydiid Ali

RW ku xigeenka dalka oo sheegay in DF ka go’an tahay xaqiijinta hal arrin (Sawirro)

Caydiid Ali

Xiriirka kubadda Cagta gobolka Banaadir oo go’aan ka qaatay Tartanka ka socda Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---