Allbanaadir.com
NEWS

Go’aano ka soo baxay shir xasaasi ah oo ka dhacay Balad Xaawo (Sawirro)

Shir looga hadlayay amniga degmada Baladxaawo ayaa saaka ka dhacay degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo .

Shirkan oo ahaa mid diirada lagu saarayay adkeynta amniga guud ahaan degamda Baladxaawo iyo deegaanada hoosyimaada ayaa waxaa qayb ka ahaa dhammaan saraakiisha Amniga gudaha iyo dibada Heer gobol iyo heer degmo sida Nabadsugidda, milatariga, Booliska iyo Daraawiishta Dowlada Jubbaland.

Shirka oo saacada qaatay ayaa waxaa uu ku soo idlaaday isafgarad iyo sidii si wadajir ah looga wada shaqeyn lahaaa amniga, Xasiloonida iyo Nabadda bulshada, sidii guluf loogu qaadi lahaa al shabaab ayaa sidoo kale kulanka looga hadlay.

Saraakiisa amniga Gobolka ayaa ciidamada amniga degmada ku amaanay dadaalka ay ugu jiraan adkeynta Amniga iyo xasiloonida iyagoona kula dardaarmay in ay sii joogteeyaan u adeegidda Bulshada Somaaliyeed.

Related posts

Xogta Jar Caalimi ah oo Ka Dhalatay Afduubkii loo geestay Silvia Romano

Cabdi Cade

Beesha caalamka oo War ka soo saartay Shirka Muqdisho & qodobo laga dalbaday (Akhriso)

Caydiid Ali

Rooble oo Dhexda u Gallay Dabaakh Diblomaasiyadeedka u Dhaxeeya Farmaajo iyo Uhuru!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---