Allbanaadir.com
NEWS

Afhayeenkii Wasaaradda Difaaca oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilka ka qaaday afhayeenkii Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxa uuna magacaabay afhayeen cusub.

Qoraal kasoo baxay wasiirka ayaa lagu sheegay in si loo dardargaliyo hawlgallada dib u xoreynta iyo dadaalada socda ee dalka lagaga ciribtirayo Al Shabaab in uu  X/le Abuukar Maxamed Xasan u magacaabay Afhayeenka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka Gasahaandhigga Soomaaliya ayaa Afhayeenkii hore ee Wasaaradda Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood kaga Mahad-celiyay shaqadii uu soo qabtay, waxa uuna ku ammaanay sidii waajibkiisa u gutay muddadii uu xilka hayay.

Sargaalkan loo magacaabay afhayeenka cusub ee wasaaradda Gasahaandhigga Soomaaliya ayaa horey ciidanka ugu qaabilsanaa dhinaca wacyi-gelinta, waxa uuan ahaa nin dhallinyaro oo diinta si fiican u yaqaan aadna u baraarujin jiray ciidanka xoogga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Kenya oo dilay wiil Soomaali ah & Xaaladda Magaalada Kismaayo oo..

admin

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Guddi katirsan Golaha Shacabka oo Su’aalo weydiiyay Wasiir Mukhtaar Roobow

Cabdi Cade
Taboola Ads ---