Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Sweden oo kala saxiixday heshiis Is-afgarad laba-geesood ah (Sawirro)

Hantidhowraha Guud ee JFS Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa saxiixay Is-afgarad laba-geesood oo u dhexeeya Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ee Sweden oo kamid ah bahwadaagta XHGS.

Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta u dhaxayneysa labada Xafiis iyo taageerada isdhaafsiga Waaya-aragnimada iyo xirfadda gaarka ah ee horumarinta iyo tayeynta Baarista Waxqabadka (𝐏𝐞𝐫𝐟𝐨𝐫𝐦𝐚𝐧𝐜𝐞 𝐀𝐮𝐝𝐢𝐭) oo kamid ah Baarista uu dhigayo Sharciga Hantidhowrka JFS

Xafiiska Hantidgowrka oo fulinaya Sharci Lr. 14, 2023 ayaa asaasay waaxda baarista waxqabadka, isaga oo Bangiga Aduunka iyo bahwadaagtiisa kale uga mahadcelinaya kaalinta ay ka geysteen hirgelinta waaxda baarista waxqabadka.

Dowladda Soomaaliya hay’adaheeda kala duwan ayaa wada xiriiro iyo iskaashiyo ay la sameesanayaan hay’adaha dhigooda ee waddamada caalamka, si ay uga helaan tababaro iyo khibrado dhinaca shaqada ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duq Magaalo oo iska dhigay Curyaan Sabool ah iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Somaliland oo ka hadashay heshiiskii Xassan Shiikh & Abiy

Caydiid Ali

Magaca ninkii isku qarxiyay Hotelka Dusit ee magaalada Nairobi oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---