Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo shaacisay in reer Galbeedka ku guul dareesteen in ay aqoonsadaan Somaliland

Maamulka goboleedka Somaliland ayaa muddo sannado ah raadinaya aqoonsi rasmi ah , si ay u noqdaan dowlad ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale , waxa ayna Somaliland ku guul dareesteen in ay wali helaan dal aqoonsada.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in dunnida reer galbeedka ee taageera dimuquraadiyaddu ay ku guul daraysteen inay aqoonsadaan dedaalka iyo guulaha ay Somaliland gaartay.

Cabdiraxmaan Saylici ayaa sheegay in Somaliland ka mid tahay dalalka Afrika ee keligood hirgaliyey kuna guulaystay dimuqraadiyadda, isagoo xusay in Somaliland ay qabsatay shan doorasho oo ay laba ka mid ah ku guulaysteen xisbiyo Mucaarad ahi.

Waxa uu sheegay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland in dalalka Reer Galbeedka ee buunbuuniya dimuqraadiyadu ay si weyn ugu guuldaraysteen in ay aqoonsadaan dedaalka iyo guulaha ay gaartay Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa qarash badan iyo dedaalba ku bixiyay sidii loo aqoonsan lahaa, mana jiro ilaa hadda dal si rasmi ah u aqoonsaday Somaliland, waxaana wali loola macaamilaa maamul goboleed Soomaaliya katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Kumaandooska oo gacanta ku dhigay Xubno katirsan Al Shabaab iyo hubkooda

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday Labo Heshiis oo waa weyn

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo Shirka Gollaha Wasiirada Hirshabelle ku guddoomiyay Baladweyne (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---