Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaano taageersan Shariif Xasan oo eedeeyey dowlada Madaxweyne Farmaajo

Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamanka Federaalka oo taageersan Madaxweynaha xiligu gabaabsiga ka yahay ee Koonfur galbeed Shariif Xasan ayaa dowlada federaalka ku eedeeyey iney fara gelin ku heyso doorashada hogaanka cusub ee maamulkaas oo lagu wado in dhowaan ay ka dhacdo Baydhabo.

Madaxweyne Farmaajo ayey sheegeen inuu hormuud ka yahay fara gelinta doorashada Koonfur galbeed, iyagoo ku eedeeyey in dhaqaalihii qaranka uu ku taageerayo musharaxiin gaar ah oo dowladu wadato.

“Musharaxiinta qaarkood oo ay dowladdu si gaar ah u taageereyso dhaqaalihii dalka lagu maamulayay ayaa kartoomo inta loogu shubay Baydhabona laga dejiyay gaadiid aan xabadu karina waa loo raaciyey” ayuu yiri Xildhibaan Cabdalla Xuseen Cali oo ka mid ahaa xildibaanadii hadlay oo dhamaantood ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool

Waxay kaloo ku eedeeyeen xildhibaanadan in dowladu ay musharaxiinta qaarkood u diiday iney ka qeyb galaan doorashada iyagoo xaq u leh sabab la’aan.

Dowlada Somalia kama jawaabin eedeymahan balse ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in arrintan ay qeyb ka tahay olole uu dhaqaale ku bixinayo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Koonfur galbeed Shariif Xasan si dacaayad loogu furo musharaxiinta loolanka adag kula jira ee uu tuhunsan yahay iney taageero ka helayaan dowlada oo isagu aysan isku fiicneyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo Hargeysa kula kulmay Per Lindgarde (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii u dambeeyey dagaalo qaraar oo ka socda qeybo ka mid ah marinka Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Dowlada oo weeraray guri uu Muqdisho ka degan yahay Sargaal Ciidan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---