Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir ka tirsan Xukuumada Khayre oo codsi muhiim ah hor dhigay Aqalka sare

Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kalafadhiga 4-aad kullankiisa 3-aad ku yeeshay xarunta Golaha Aqalka sare ayaa mar kale waxay ka doodeen hindise-sharciyeedka Biyaha iyo sameynta Hay’adda Maareynta Biyaha Qaranka.

Kulanka maanta ayaa waxaa guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ,waxaana goobjoog ahaa guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Senator Mowliid Xuseen Guhaad iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xildhibaan Cusmaan  Libaax Ibraahim.

Waxaa Senatarada mar kale fursad loo siiyay iney sharciga si wanaagsan u soo akhristaan si maalinta arbacada go’aan looga gaaro meelmarintiisa.

Xildhibaanada ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay in sharciga Kheyraadka Biyaha Qaranka uu muhiim u yahay dadka iyo dalka, isla markaana loo baahan yahay in si dhaqso ah loo meelmariyo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahim oo hadal kooban ka horjeediyay Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in sharcigan wax badan ku xiran yihiin loona baahan yahay in si deg deg ah loo ansixiyo.

“Sharcigan wax badan ayaa inooga xiran, waxaan codsanayaa in la ansixiyo, waa muhiim sharcigan muddo ayuu hor yaallaa Baarlamaanka Aqalka sare,” ayuu yiri Xildhibaan Cusmaan  Libaax Ibraahim.

Hindise-sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka oo ka soo gudbay Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa muddo 11-bilood ah horyaalla Golaha Aqalka sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Wasiir Carbeed oo booqasho lama filaan ah ku tagay Ukraine ballanqaadna sameeyay

Cabdi Cade

Dugsiga Amiin Quran Online oo ah dugsi qurbajoogtu aad uga faa’idayseen oo qaadanaya arday cusub bishan!

Cabdi Cade

Xildhibaanad ka tirsan BF oo sheegtay in Somaliland ay tahay dal madax banaan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---