Allbanaadir.com
NEWS

Maxay tahay warqada sirta ah ee Raisul Wasare Netanyahu u diray Madaxda Qatar?

Wargeyska Israa’iil ee Ynet, ayaa sida ay ka soo xigatay Al-jazeera wuxuu soo bandhigay warqad sir ah oo Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Netanyahu uu u diray dawladda Qatar sannadkii 2018-kii.

Waxaa uu ka dalbaday inay Qatar bixiso 30 milyan oo dollar bishiiba oo lagu maalgelinayo adeegyada marinka Qasa, lacagtaasoo ay maamullaysay Xamaas, iyadoo warqada lagu caddeeyay in maalgelinta Xamaas ay ilaalinayso xasilloonida gobolka ayna baajinayso dhibaato bini’aadantinimo.

Qatar ayaa la sheegay waqtigaa inay dalbatay dammaanad, taasoo ku qasabtay inuu Mareykanka soo kala dhexgalo isagoo dammaanad bixinaya, tallaabada oo la sheegay inay Qatar uga fogaanaysay in maalgelinta Xamaas aan loo tixgelin inay maalgeliso argagixisada.

Dhinaca kale, Koox isku magacowday Mutaarif, ayaa weerar internetka ah ku jabsatay shaashadaha makhaayadaha KFC ee ku yaalla caasimadda Kenya ee Nairobi oo ay ka daareen muuqaalka afhayeenka kooxdka Falastiiniyiinta Qasa,Cubayda.

Related posts

Golaha Wasiiradda oo maanta yeeshay kulan arrimo dhowr ah looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Sheekh Shariif oo si adag ula hadlay Madaxweyne Farmaajo una diray Fariin culus

Cabdi Cade

Dowladda oo Shaacisay in 50-xubnood Al Shabaab looga dilay howlgal wali socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---