Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xiliga shacabka Afrika bilaabayaan iney Vise la’aan tagaan Itoobiya oo la shaaciyey

Itoobiya ayaa shaacisay xiliga ay bilaabayso iney fiisayaal bilaash ah garoonka ku siiso isla marka ay soo degaan dhamaanba shucuubta Afrika.

Bisha Nofembar ee soo socota 9-keeda ee sanadkan sii dhamaanaya 2018 ayey bilaabaneysaa in shucuubta Afrika ay Vise la’aan u dhoofaan dalkaas sida uu xaqiijiyay Agaasinka Guud ee xafiiska Wasiirka Koowaad.

Fitsum Arega ayaa tillaabadani ku tilmaamay mid la jaan qaadaysaa aragtida raisul wasaaraha dalkaas Abiy Axmed ee ku dhisan  Iskaashiga iyo wax wada qabsi dhow oo dhexmara Afrika.

Dadka wata baasaboorka Soomaaliga ah ayaa ka mid ah dadka ka faaideysan doona talaabadan, kuwaasoo horey dhibaato badan ugu qabay helitaanka viisaha Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Arrimo muhiim ah kala haday Wasiir Anders Hall (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday Baydhabo xili Rooble iyo Madax kale joogaan

Cabdi Cade

Xamse Barre oo la kulmay wafdi sare oo ay horkaceysay Mss Rita Laranjinha (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---