Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo arrimo Muhiim ah kala hadlay Étienne Peterschmitt (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO) ee Soomaaliya Étienne Peterschmitt iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee Puntland iyo FAO, iyo mashaariicda Hay’adda FAO kala shaqeyso Hay’adaha dowladda sida horumarinta Beeraha, Kalluumeysiga, Xoolaha, Biyaha, illaalinta deegaanka, isbedelka Cimilada iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo dib ugu soo laabtay magaalada Garawe uu isbuucyo badan ka maqnaa ayaa bilaabay la kulanka wakiiladda beesha Caalamka iyo madaxda hay;adaha caalamiga ah ee ka howlgaLA deegaannada Puntland.

Maamulka Puntland oo dhawaan xiriirka wada shaqeyn u jaray dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doonaya in si madax-bannaan ula macaamilaan hay’adaha dalka ka howlgala, iyagoona diidan in mashaariicda loogu tala galay loo soo mariyo DFS.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey Xaalada Boosaaso oo kacsan iyo barakac ka bilowday

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u codsatay soo afjaridda shaqada xafiiska UNSOM

Cabdi Cade

RW ku-xigeenka Somalia oo khudbad ka Jeediyay shir caalami ah oo ka socda Brusells (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---