Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo saakay ka ambo baxay Muqdisho iyo xog ku aadan ujeedka Safarkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminaya wafdi ballaaran, ayaa saakay u ambabaxay Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Xamse Barre iyo wafdiga la socda ayaa magaalada Nairobi u tagaya booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya oo xiriir qoto dheer leh.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa inta uu joogo magaalada Nairobi la kulmi doona madax katirsan dowladda Kenya, kuwaa uu kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal ka dhaxeeya.

Xamse Barre ayaa sidoo kale la filayaa in magaalada Nairobi kula kulmo ganacsatada Soomaalieed iyo jaaliyadda Nairobi ku dhaqan , kuwaa uu iyana uga warbixin doono xaaladda dalka ku sugan yahay .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aadan Madoobe oo diiday qabashada Mooshinkii loo geeyey

Caydiid Ali

Habraaca Doorashada Saddex Kursi oo mid kamid ah loo xiray Sheekh Shariif oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey dagaaladii caawa ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---