Allbanaadir.com
NEWS

Cidanka Jubbaland oo saldhig cusub ka sameystay degaanka Goobweyn (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha dowlada Jubbaland Sareeye Gaas Yusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo uu wahliyo taliyaha booliska qaybta gobolka Jubadda hoose  Sadiiq Maxamad Dhogor ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha  saldhig cusub oo booliska Jubbaland ku yeelanayaan degaanka Goobwayn ee duleedka magaalada Kismaayo

Waxaa saldhigan dhismihiisa iska kaashaday qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka degaanka Goobwayn iyo taliska Booliska qaybta gobolka Jubbada hoose.

Munasabadda daahfurka saldhigga waxaa qayb ka ahaa qaar ka mid ah golaha wakiilada shacabka dowlada Jubbaland, guddomiyaha Degmada Kismaayo, saraakiil iyo dadwaynaha deegaanka Goobwayn.

Degaanka Goobweyn ee qiyaastii 30km woqooyi kaga toosan Magaalada Kismaayo waa degaan loo dalxiis tago oo dad badan ay tagaan, waana kulansaday webiga Jubba  iyo badweynta India oo ah halka ay isaga darmaan.

Related posts

Booliiska Britain oo 70-sanno kadib raaligelin ka bixiyay Daldalaadii Maxamuud Mataan

Cabdi Cade

Baarlamanka Galmudug oo cod aqlabiyad leh ku sixiyey degmo cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Doorashada kursi ka banaan Golaha shacabka oo maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---