Allbanaadir.com
NEWS

Shir xasaasi ah oo Nairobi uga socda dowladaha Somalia iyo Kenya (Sawirro)

Maalintii sedexaad ayaa waxaa magaalada Nairobi ka socoda shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya Joint Commission for Cooperation (JCC) inta u dhexeysa 3-da illaa 6-da May, 2024-ka.

Shirkaan heerka farsamo waxaa wafdiga Soomaaliya ku hogaaminaya Mohamed Fatiir Agaasimaha Afrika Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxaa sidoo kale goobjoog ka ah Ambassador Jabriil Ibraahim Cabdulle, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Shirka  ayaa noqon doona labo kalfadhi Kulamada qeybta gudiga wadajirka ah ee farsamo ee 3-da ilaa 5-ta May iyo kan Wasiirada Isniinta 6-da May kaas oo uu guddoomin doono Wasiirka arrimaha Dibada Amb Fiqi iyo dhigiisa Dr. Musalia Mudavadi.

Inta lagu guda jiro qaybaha dooduhu waxay diiradda saari doonaan dhinacyada horumarinta iskaashiga ganacsiga, kaabayaasha, amniga, beeraha, dalxiiska, caafimaadka, waxbarashada, iyo dhaqaalaha buluugga ah.

JCC ayaa waxaa xigi doona booqashada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Bare.

Related posts

Maamulka Somaliland oo walaac ka muujiyay taageerada beesha caalamku siiso DF

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo tirakoob ka soo saartay saameynta ka dhalatay abaarta ka jirta dalka

Caydiid Ali

Weerar Khasaaro geestay oo lagu qaaday Safaarad kutaalla magaalada Tehran (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---