Allbanaadir.com
NEWS

RW Ku-xigeenka Somalia oo gaaray caasimadda dalka Gambia ee Banjul (Ujeedka)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa gaaray Caasimadda Gambia ee Banjul, halkaas uu kaga qeyb-galaya Shir Madaxeedka dalalka Islaamka.

Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda cas iyo Gacanka Cadmeed Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaare ku xigeenka XFS, mudane Saalax Axmed Jaamac oo wakiil ka ah Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeyb-galayo Shir madaxeedka dalalka Islaamka oo maanta ka furmaya magaalada Banjul.

Shir-madaxeedkan oo goor-dhow furmaya ayaa looga hadli doonaa arrimaha siyaasadda ee saamaynta ku leh dunida islaamka, si gaar ah arrinta Falastiin.

Hoggaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, waxay mudnaanta siin doonaan arrimaha dhaqaalaha, bani’aadannimada, bulshada iyo dhaqanka, si gaar ah arrimaha ku qotoma dhalinyarada, haweenka, qoyska, culuumta,

Related posts

Midkee Soomaalida ku weyn Diinta iyo Dhaqanka ?.

Cabdi Cade

DEG DEG: Deni oo mar kale ku guuleystay doorashada xilka Madaxweynaha Puntland

Caydiid Ali

Deni oo xoojiyey la xisaabtanka heyadaha Mamulkiisa & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---