Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamsa oo heshiis la saxiixday 15 Wasiir oo ka tirsan Xukuumadiisa

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xamsa ayaa la saxiixday 15 Wasiir Ballanqaadka Xukuumadda iyo qiimeynta Waxqabadkii 4tii bilood ee la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la saxiixday 15 kamid ah Golaha Wasiirrada Ballanqaadka,qiimeynta Waxqabadka 4tii bilood ee la soo dhaafay iyo hiigsiga Waxqabadka inta ka  dhiman sanadkan.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah hannaanka casriyeynta dowladnimada, xoojinta hufnaanta iyo xisaabtanka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska RW Somalia.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasiirrada in si dhab ay uga shaqeeyaan ballanqaadka ay saxiixeen ee ku aaddan qorshaha hiigsiga 2024 ee Xukuumadda DanQaran, lagulana xisaabtami doonno wasaaradda walba mas’uuliyadda saaran.

Related posts

Wasiir Cali Mareyxaan oo si weyn u dhibsaday Warar ay baahisay Idaacadda BBC-da

Cabdi Cade

Madaxweyne reer Galbeed ah oo xal u raadinaya dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil

Cabdi Cade

Nederlands: Dallad ay ku mideysan yihiin in ka badan 65 ururo Soomaali ah oo Maxkamad looga yeeray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---