Allbanaadir.com
NEWS

RW ku-xigeenka oo la kulmay Niyaz Acar & wafdi uu horkacayo (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Caddaaladda ee dalka Turkiga Mudane Niyaz Acar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qeyb uu ka yahay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.

Mudane Saalax ayaa ku ammaanay kaalinta muhiimka ah bahda caddaaladdu ay ku leedahay iskaashiga istiraatijiga ah ee ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga.

Dhankiisa, Wasiir Ku-xigeenka Caddaaladda dalka Turkiga Niyaz Acar, ayaa isna uga mahadceliyay golaha Wasiiradda JFS ansixinta heshiisyada afarta ah ee ay hore u kala sexiixdeen labada Wasiir Caddaalada ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa waxaa Kulanka ku weheliyey Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud, wasiir ku-xigeenka wasaaradda, Axmed Cabdiraxmaan Xasan iyo wasiiru-dowaha wasaaradda, Avv. Muumino Sheekh Cumar.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo kulan deg deg ah la qaatay Taliyaasha ciidanka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Biden oo wax ka bedelay siyaasadii Maraykanku uga howlgeli jiray Somalia

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in doorashadii ka dhacday Garowe lagu shubtay?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---