Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aqalka sare, Q/M iyo Midowga Afrika oo kawada hadlay Khilaafka Dowlada iyo Maamul goboleedyada (Daawo Sawirada)

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Wakiilada gaarka ah ee Qaramada Midoobay  u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira .

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka xoogan ee xiligan u dhaxeeya dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka jira .

Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed Jaamac ayaa sheegay in kulanka looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka xoogan ee u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo Maamul goboleedyada.

Aqalka sare ayaa dadaal badan ugu jira sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhax aloosan dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka jira kuwaa oo jaray xiriirkii ay dowlada Dhaxe la lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Doorashada oo shaaciyay in Garbahaarey laga wareejiyay Doorashada 16-ka kursi

Cabdi Cade

Milateriga Israel oo dhalinyaro falastiiniyin ah ku laayey daanta Galbeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Farmaajo “Shacabka waxay kala ogaanayaan cidda ka shaqeynaysa in aysan doorasho dhicin & cidda u hiilinaysa nabadda”

admin
Taboola Ads ---