Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Hoggaamiyaha SSC oo xariga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda..

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha Wasiirrada, wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Maaliyadda, Warfaafinta iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada ayaa maanta xadhigga ka jaray dhismaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee maamulka SSC

Hoggaamiyaha ayaa ugu horeyn sheegay in Maamulka Ssc-khaatumo uu ahmiyad weyn siinayo tayaynta iyo taageerada Waxbarashada deegaanka maadaama waxbarashadu tahay aasaaska horumarka nolosha.

Intaa kaddib Hoggaamiyaha ayaa si weyn u bogaadiyey dedaalka miradhalka ah ee ay horseedka ka ahaayeen Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mud. Cabdixakiim Jaamac Dalmar iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Marwo Farduus Ibraahim Cali oo ku guulaysatay in ay qaab iskutashi ah oo shacabka iyo Dawladdu iska kaashadeen u dhisaan xarun casri ah oo ay leedahay Wasaaraddu.

Hoggaamiyaha ayaa xusay in hay’adaha kale ee Dawladda iyagana laga rabo in ay meelmariyaan qorshaha Xukuumadda ee isku tashiga dhammaan xarumaha kale ee Dawliga ah na lagu horumariyo iskaashi shacabka iyo Maamulkooda.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa kula dardaarmay Masuuliyiinta Waxbarashada deegaanka in ay laban laabaan dedaalka ay ugu jiraan sidii loo soo saari lahaa jiil ku hubaysan aqoon tayo sare leh, loona joogtayn lahaa sumcadda waxbarasho ee dadka deegaanku kaga sheegganyihiin Soomaaliya.

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo iska Indha tiray Waxqabadkii Kheyre amaana u jeediyay Mahdi Guuleed(vedio)

Cabdi Cade

Shirkii Qaahira oo soo idlaaday iyo Khilaaf hareeyey Ergooyinka Carabta iyo Reer Galbeedka

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo la kulmay wafdi ka socday dowlad degaanka Soomaalida (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---