Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo weerar culus ku qaaday xero ay leeyihiin Ciidanka xoogga dalka

Dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar culus oo ku bilowday hoobiyaal ku qaaday xero ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin deegaanka Sabiib ee kuyaalla gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida aan wararka ku helnay kooxda Al Shabaab ee weerarka qaaday iyo ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa dhax maray dagaal culus oo socday saacado, waxa ayna dadka deegaanka maqlayeen daryanka hubka kala duwan ay labada dhinac is dhaafsanayeen.

Ciidanka dowladda ee ku sugnaa xerada la weeraray ayaana si adag isaga difaacay weerarka ay kusoo qaadeen kooxda Al Shabaab, waxaana dagaal muddo socday kaddib Al Shabaab lagu qasbay in ay dib ugu laabtaan halkii ay kasoo weerar tageen.

War kasoo baxay kooxda Al Shabaab ayey ku sheegeen in weerarka ay ku qaadeen Sabiib ay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen askar katirsanaa ciidanka xoogga dalka .

Dhinaca kale saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamada ay iska difaaceen weerarkii ay soo qaadeen Al Shabaab, waxa ayna dhankooda sheegeen in Al Shabaab dagaalka lagu gaarsiiyay khasaarooyin.

Weerarada Al Shabaab ku qaadaan xeryaha ciidanka dowladda ee kuyaalla gobolka Shabeelaha Hoose ayaa muddooyinkan aad u yaraa, waxaana hadda soo muuqaneysa in Al Shabaab dib u bilaabayaan weeraradii ku dhufo oo ka dhaqaaq ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Wakiilo ka socday QM oo gaaray degmo 13 sano gacanta ugu jirtay Al-Shabaab

Caydiid Ali

Fashil taariikhi ah oo ku dhacay ciyaartii caawa dhexmari laheyd Waaberi & Dharkeynley

Caydiid Ali

Buundo cusub oo laga hirgelinayo Muqdisho & Madaale oo dhagax dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---