Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad dagaal oo Mareykanka leeyahay oo bur burtay iyo khasaaro ka dhashay

Diyaarad nuuca dagaalka ah oo ay leeyihiin milatariga dalka Mareykanka ayaa shalay galab oo Talaado ahayd ku burburtay meel ku dhow Saldhiga ciidanka cirka Holloman Air Force Base ee gobalka New Mexico .

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa baahisay in diyaarada bur burtay oo nuuceedu ahaa F-16  ay soo dhacday xilli ay hawada ku jirtay, waxa ayna sheegeen in duuliyihii diyaaradda uu ka booday uuna soo gaaray dhaawac.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay diyaaradda dagaalka ay arkayeen iyada oo ku dhaceysa  meel ku dhow beerta Qaranka ee (The White Sands National Park), kooxaha gurmadka ayaana goobtaasi si deg deg ah u gaaray.

Wali lama shaacin ciladda sababtay in ay soo dhacdo diyaaradan nuuca dagaalka ay lahaayeen milatariga Mareykanka, waxaana socda baaritaanno shilkan ku sameenayaan khubaro loo xil saaray.

Diyaaradda F-16 ayaa kamid ah diyaaradaha casriga ah ay isticmaalaan milatariga Mareykanka, waxaana horey u dhacday shilal kale oo diyaaradan iyo kuwa kale ay ciidamada leeyihiin uga dhacady gudaha Mareykanka iyo meelo kale oo ka baxsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Olole cusub oo ka b ilowday Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya (Sawirro)

Cabdi Cade

Xukuummadda Oo Ansixisay Kamid Noqoshada Soomaaliya Ee Axdiga Qaramada Midoobay Ee…

Cabdi Cade

DF oo sheegtay in Magaalooyin ka tirsan dalka laga arkay bisha Shawaal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---