Allbanaadir.com
NEWS

Afhayeenka Baarlamaanka Uganda iyo labo Xildhibaan oo kale oo cunaqabateyn la saaray

Dowladda Ingiriiska ayaa cunaqabateyn dhinaca safarka iyo dhaqaalaha kusoo rogtay afhayeenka Baarlamaanka dalka Uganda, Anita Among iyo labo xildhibaan oo kale oo katirsan Baarlamaanka dalkaasi.

Xubnahan dowladda Ingiriiska kusoo rogeen cunaqabateynta ayaa lagu eedeeyay in ay ku kaceen musuqmaasuq iyo xatooyo , waxaana si gaar ah loogu eedeeyay afhayeenka in ay xaday lacago loogu tala galay Baarlamaanka Uganda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Britain ayaa sheegtay labo wasiir oo hore, haddana ah xildhibaanno Mary Goretti Kitutu iyo Agnes Nandutu, in ay xadeen malaayiin lamayeeri oo loogu talo galay bulshooyinka saboolka ah ee ku nool gobolka Karamoja.

Afhayeenka Baarlamaanka dalka Uganda, Anita Among ayaa beenisay eedeymaha musuqmaasuq ee loo jeediyay, waxa ayna sheegtay in kaliya lagu heesto taageerada xooggan ee siisay sharciga looga soo horjeeday dadka isku jinsiga ah ee isku taga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyey Munaasabada Ciidul adxaa, kuna baaqay..

Caydiid Ali

(Akhriso): Khudbadii Farmaajo ka jeediyey Shirka Golaha guud ee QM oo dhammeystiran

Caydiid Ali

Xildhibaannada Hawiye ee diidan Xasan Sheekh oo Shirweyne iclaamiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---