Allbanaadir.com
NEWS

Madaale oo shir deg deg ah la qaatay Saraakiisha amniga ka dib qaraxyadii xalay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay kulan loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda Muqdisho.

Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa waxaa warbixin loogu dhageystay Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Police Millitari, kuwaaso oo ka warbixiyay xaalada guud ee Amniga Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay Saraakiisha Laamaha Amniga in xooga la saaro dar-dargelinta Amniga Caasimadda, lagana hortago fal kasta oo wax u dhimi kara Amniga ay ku naaloonayaan shacabka Gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa ku soo beegmay xili xalay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo lagu soo qariyey baco oo la dhigay xarumo Boolis iyo wadooyinka magaalada qaarkood, kuwaasoo argagax iyo cabsi ku abuuray shacabka magaalada.

Related posts

Tirada qiyaasta Meydadka ku hoos jira burburka Gaza oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Wasaarada Caafimaadka DF oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyey ee COVID-19

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarriga ka jaray Madaxtooyada cusub ee Galmudug (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---